Ciidanka amniga oo xalay toogasho ku dilay ruux bam gacmeed ku turay …

Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay nin xalay Bam gacameed ku weeraray saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Wardhiigley ee gobolka Benaadir.

Ninka Bamka ku weeraray saldhigga ayaa markii danbe gudaha u galay guri ay deganaayeen dad shacab ah si uu gabaad uga dhigto, laakiin ciidamada dowladda oo gaaray guriga ay dibada uga soo saaray dadkii deganaa, waxaana halkaa ka bilaawday iska horimaad dhaxmaray ciidamada iyo Ninka weerarka geystay.

 

Iska horimaadka ayaa lagu diley Ninka ka dambeeyay weerarka lagu qaadey saldhigga Wardhiigley.

You might also like More from author