Ciidanka Amniga dowladda oo qof shacab ah dilay

Ciidamada Amaanka soomaaliya ayaa Goor dhaw Qof shacab ah ku dilay isgooska sanca ee muqdisho.

Dilka Ruuxa loo geystay ayaa la sheegayaa in uu ahaa Qof aan maskax ahaan Bad qabin, sida ay sheegayaan Goob joogayaal laakiin Ma jirto Faah faahin kale oo laga helay Ehelkiisa.

Warar Hoose ayaa Sheegaya in Askarta iyo Ruuxa la dilay oo dhaxmaray muran ka dibna uu Mindi ku Muday mid ka mid askartii ku sugnaa Koontaroolka sanca, Waxaana intaa ka dib risaas lagu furay Ruuxa shacabka ah uu u geeriyooday.

Dilalka shacabka ayaa Ku soo kordhay magaalada Muqdisho, Hasa yeeshee Madaxda Dowlada ayaa Sheegay Dhowr jeer in cadaalada la marsiinayo Askarta shacabka Dhibaateeya.

You might also like More from author