Ciidan Lasoo Dhoobay Madaxtooyada & Kulanka Baarlamaanka Maanta Oo…

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulan kaas oo shaki badan ka jiro waxa laga hadli doono.

Fariintii Xalay Xildhibaanada loo diray ayaa aheyd in seddex ajande lasoo gudbinayo oo fadhiga kusaabsan yahay.

  1. Covid19
  2. U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha
  3. U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka

Hadaba Kulankaasi waxaa laga cabsi qabaa in mooshin muddo kordhin ah ku hoos jiro oo la rabo in Dawlada Loo sameeyo Hay’adaheeda kala duwan.

Ilo madax banaan ayaa usheegay Xamar Post in ciidamo Badan la diyaariyey oo amniga suga hadii carqalad Xildhibaanada qaar isku dayaan.

Qaar ka mid ah waddooyinka gala Madaxtooyada ayaa saaka lagu arkay Askar lasoo dhoobay oo gaadiid dagaal wata.

Xildhibaanadii loo diiday inay shan kulan tegi Karin Fadhiyada Baarlamaanka ayaa ku goodinaya in ay Maanta Kulanka dhacaya xaadiri doonaan.

Lama oga waxa dhici kara hayeeshee waxaa macquul ah in arinta muddo kororsiga la qorsheeyey la sameeyo.

You might also like More from author