Ciidamo soomaaliland ah oo dad ku xirxiray laascaanood

Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomalailand ay Xabsiga dhigeen tira dad ah oo ka mid ah dadka ku nool Magalada laas-Caanood.

Dadka la xiray oo tobaneeyo kor u dhaafaya ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidamada Soomaaliland oo wada howlo burburin ah,kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliland.

You might also like More from author