Ciidamo Mareykan ah oo dad rayid ah ku Xasuuqay deegaanka Bariire

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyaan kuwo Soomaali ah ay dad rayid ah ku xasuuqeen beer ku taal deegaankaas.

Ciidamadan ayaa la sheegay in howl gal wadajir ah ay ka fuliyeen deegaan u dhow Bariire, halkaasoo ay ku dileen illaa sagaal ruux oo shacab ah.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca Amniga Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“Ciidamadan saakay waxay ku howl gal ka sameynayeen dhul beeraley ah, dad rayid ah ayay dileen”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu sheegay meydka dadkan la dilay la keeni doono magaalada Muqdisho, gaar ahana Xarunta CID, si loo baaro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka la dilay ay ahaayeen kuwo hal beel ka soo jeeda oo ku sugnaa beertooda.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii duqeyn ay fuliyeen Ciidamo Mareykan ah lagu dilay illaa todobo ruux oo isku qoys ahaa deegaan ku dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

You might also like More from author