Ciidamo ka wada tirsan Dowlada oo ku Dagaalamay Muqdisho
Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Haanta dheer ee degmada Dayniile ayaa waxa ay sheegayaan in saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo Kooxo ku labisan dharka Ciidamada Dowladda.
Dagaalka ayaa socday Muddo ku dhow saacad , waxaana qaar ka mid ah dadka kunool degmooyinka Dayniile iyo Hodan ay kusoo baraarugeen dhawaqa Rasaasta.
Dagaalka ayaa geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xaafadda Haanta dheer ayaa hadda degan, waxaana la sheegaya in ay ku sugan yihiin kooxo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda.