Ciidamo ka tirsan Puntland oo Gadood sameeyay

Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay isaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen Aaga deegaanka tukaraq oo dhowr jeer ay kula dagaalameen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay tageen Magalada garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwa ka gadoodsan mushaar la’aan,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in saddexdii bilood ee la soo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah.

Dad  ku sugan duleedka Magalada Garoowe ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay arkeen Ciidamadaas oo wata Gaadiidka dagaalka, iyaga oo u gudbaya dhanka Koonfureed ee Magalada Garoowe.

Talisyada kala duwan ee Ciidamada Puntland weli kama hadlin gadoodka ay sameeyeen Ciidamada,waxaana horay u jirtay in Ciidamo ka tirsan Puntland ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Af-Urur iyo tukaraq ee Gobolada Bari & Sanaag.

You might also like More from author