Qeyb ka mid ah Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka howlgalayay Soomaaliya ayaa isaga baxay dalka kaddib markii ay dhameysteen Howlgalkooda Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in Ciidamadaas ay guteen waajibkii Qaramada Midoobey.

Mr Swan ayaa Ciidamadaasi guddoonsiiyay billadaha abaalgudka ee Qaramada Midoobey ay siiso ciidamada dhameysta howlgalladeeda Caalamka.

Ciidamadan oo hoostagayay Qaramada Midoobey qeybteeda loo yaqaanno UNGU 5, ayaa waxaa ay mas’uul ka yihiin amniga shaqaalaha rayidka ah ee Qaramada Midoobey, Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo dhamaan howlaha qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

James Swan, ayaa sidoo kale bogaadiyay xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeyay Ciidamada Qaramada Midoobey iyo Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

James Lakara, oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka AMISOM oo madasha joogay ayaa sheegay in Ciidamadan ay shaqadooda guteen iyaga oo wajahayay caqabada kala duwan.