Ciidamo ka tirsan DFS oo lagu qarxiyay Hiiraan

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa la sheegay in Qarax miino ay kula kacday inta u dhexeysa magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Xilli ay halkaa howlgal ka wadeen.

Qaraxa miino ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan, kaas oo soo kala gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ka howl-gala halkaas.

Ugu yaraan labo askari oo uu mid ka mid ah ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, halka kan kena uu ka tirsanaa maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa ku dhintay qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa uu dhaawac uu ka soo gaaray saddex askari oo kale oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaana Ciidamada xoogga iyo kuwa Macawiisleyda ay sameeyeen qaraxa kadib howlgalo ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeesay qaraxa. iyadoo ay ciidamada ay sii dhaqaaqeen goobta qaraxa lagula eegtay, waxayna dib ugu noqdeen fariisimihii ay markoodii hore kasoo baxeen.

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa waxaa inta badan qaraxyo miino kala kulma hareeraha wadooyinka iyo weerar toos ah oo Al-Shabaab kusoo qaadaan, kuwaas oo khasaaro xoogleh uu kasoo gaaro dad shacab ah.

You might also like More from author