Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu laayay Gobolka Baay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Qaraxyada oo ahaa kuwa is-xigxigay ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi oo ka soo ambabaxay degmada Bardaale, kuna sii jeeday Qansaxdheere.

Ma cadda khasaaraha ciidamada Itoobiya ka soo gaaray weeraradaasi qaraxyada ah ee lala eegtay, balse deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen jugta miinooyinkaasi.

Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraradaas, iyadoo qoraalka lagu sheegay in qaraxyadaan ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamadaasi, xilli ay marayeen duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobollada Baay iyo Bakool.

You might also like More from author