Ciidamadii ugu badnaa abid oo laga dajiyay magaaladda dhuusamareeb

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaaladda Dhuusamareeb Caasimada Maamulka Galmudug waxaa saakay gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo laga qaaday Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Ciidamo ka Tirsan Policeka Gaarka ah ee Soomaaliya watay Laba diyaaradood Ayaa lagu Soo Kordhiyay Ciidamada Ilaalinaya Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb Sida ay sheegeen howl wadeenada Garoonka Dhuusamareeb.

Ciidankaan ayaa ku biiray Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo horay ugu sugnaa Garoonka diyaaraddaha ee Magaaladda Dhuusamareeb.

Tilaabadan ayaa Timid Saacado uun kohor Xili la Filayo imaatinka Wufuuda Dowlada Soomaaliya ee Dhuusamareeb u Imaaneysa Furitaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug oo Dhowaan Furmaya.

Sidoo kale Talaabadaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya lagu geeyay Magaaladda Dhuusamareeb ayaa imaanaysa Xili hogaanka Sare ee Ahlusunna ay sheegeen in aan Magaaladda Dhuusamareeb lagayn Karin Ciidamo ka socda Dowladda Soomaaliya ama AMISOM.

You might also like More from author