Ciidamadii lagu laayay Baledxaawo oo la shirqooley

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la shirqooley ciidamadii lagu laayay degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in taliyaha Ciidamada degmada Baledxaawo oo lagu magacaabo Rashiid uu habeenkii ciidamada ku amray in dhammaan laga damiyo Taleefanada.

Ciidamada ayaa la sheegay in dhammaantooda Taleefanada laga damiyay, waxaana taasi ay shaki  ku abuurtay Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Ciidamada ugu badan ayaa ku dhintay Qaraxii ismiidaamin ahaa ee ka dhacay Saldhigga Ciidamada maamulka Jubbaland.

Ugu yaraan 31 Askari ayaa ku dhintay Weerarkaasi Al-Shabaab ay ku qaadeen Baledxaawo.

Ruuxii isku qarxiyay Saldhigga ayaa lagu Magacaabaa Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr).

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaasi la shirqooley , islamarkaana la doonaayo in baaritaan qoto dheer lagu sameeyay Weerarkii Baledxaawo.

You might also like More from author