Ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug oo maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wado Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano u dhow, Cammaara, Bacaadweyne iyo Shabeellow, oo kamid ahaa deegaano ay muddo sanado ah Alshabaab ka talinayeen.

Howlgalladan socda waxa  hoggaaminaya Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janeraal Cabdi Qeybdiid iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon.

wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan maanta ay ka socdaan Koofurta gobolka Mudug

You might also like More from author