Ciidamada Ruushka oo gudaha Caasimada Ukraine ka dhex dagaalamaya + Khasaaraha.

Ciidamada Rushka oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ka dhex dagaalamaya gudaha magaalada caasimada u ah dalka Ukraine ee Kyiv.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay dhawr xaafadood oo magaalada Kyiv ka tirsan kula dagaalamayaan ciidamada Rushka.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Ruushka ay madaafiic ku garaaceen aqalka madaxtooyada dalka Ukraine ayadoo dagaal uu ka socdo wadooyinka qaar ee caasimada.

Duqa caasimada Vitali Klitschko ayaa sheegay in dagaalka ka socda Kyiv inay ku dhaawacmeen 35 ruux oo ay 2 caruur ah ku jiraan.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan is difaac xoog leh oo ay kaga hor tagayaan weerarka xoogga leh ee kaga imaanaya ciidamada Rushka.

M/weynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenkskyy ayaa sheegay inay marnaba isdhiibi doonin waxaana uu intaa ku daray inuu ugu baaqayo dadka wadankiisa ay hubka qaataan oo ay is difaacaan.

You might also like More from author