Ciidamada Puntland & Koox Hubeysan Oo Ku Dagaalamay W/Gaalkacyo

Inta la og yahay Hal Qof ayaa ku dhintay kudhawaad Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen Is rasaaseyn xalay ku dhexmartay Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo Maleeshiyaad Hubeysan.

Isku dhacaasi ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada weerar ku qaadeen goob lagu iibinayey Waxyaabaha maanka dooriya oo ku taalla agagaarka Xerada Kabida Ee Gaalkacyo.

Saraakiisha Howlgalka horkacayey waxay sheegeen in la isku dayey Kooxda Maan dooriyaha ka ganacsaneysay si nabad gelyo ah loo qabto balse ay dagaalameen sidaasna khasaaraha uu ku yimid.

Markii dambe dhalooyin qamri ay ku jireen iyo qaar ka mid ah dadkii ka ganacsanayey ayey Ciidamada Puntland gacanta kusoo dhigeen,iyadoo aysan aheyn markii koobaad oo sidaan oo kale Howlgal khasaaro geysta uga dhaco Wuqooyiga Gaalkacyo.

You might also like More from author