Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabab oo ku dagaallamay Baardheere

Wararka ka imanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa AMISOM gaar ahaanna Itoobiya ay ku dagaallameen Magaaladaas.

Dagaalka oo muddo socday ayaa Ciidamada AL-shabaab la xaqiijiyay in weerarka ay kuq aadeen saldhigga Ciidamada Itoobiya ee Baardheere.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka ka dhacay Baardheere.

“Wax ka badan saacad ayuu dagaalkaas qaatay,waxaana Ciidamada AL-shabaab ay damacsanaayeen in ay la wareegaan Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee Baardheere” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha.

Ilaa hadda si rasmi ah uma kala cadda khasaaraha nafeed ee kala gaaray dhinacyada ku dagaallamay Baardheere.

22kii July 2015kii ayey Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya AL-shabaab ka saareen Baardheere iyaga oo xilligaas xukumayay ku dhawaad 8 sano.

You might also like More from author