Ciidamada Dowladda oo qabsaday Degaanno ka tirsan Shabeellaha dhexe

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanno ka mid ah Gobolka Shbaeellaha dhexe.

Howlgallo saacadiii la soo dhaafay ay Ciidamada ka sameeyeen degaanno hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayey ku qabsadeen degaanno hor horleh.

Saraakiisha Hoggaamineysa Howlgalladaas kana tirsan qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in degaannada ay qabsadeen ka mid yihiin Xaanshooleey, saarsaar, Cadayga, iyo Shanlow oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Balcad.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa howlgallo kala duwan ka wada Gobolka Shabeellaha dhexe waxaana marar hore ay sheegenin ay Al-shabaab ka saareen degaannada Basra, Daniga Baalloow iyo meelo ku dhow.

Al-shabaab wali kama hadlin sheegashada Ciidamada Dowladda Federaalka ah ay saraakiishooda sheegeen in ay Al-shabaab ka saareen dhul hor leh oo ka tirsan Shabeellaha dhexe.

You might also like More from author