Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Qorsheysan ka sameeyay Garbahaareey.

Ciidamo isugu jiro Millateri, Boolis iyo Nabadsugid kana mid  ah kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo lagu ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Sida ay shegeen Saraakisha hogaamineysay ciidamada Howlgalka sameeyay ayaa waxa uu ujeedkoodu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga Garbahaareey, iyagoona  ciidamada Howlgalka fuliyay ayaa galeen guryaha xaafadaha, ay ka kooban tahay Garbahaareey, waxaana inta uu socday Howlgalka lagu soo qabqabtay dad aad u fara badan oo baaritaan dheer ka dib qaarkood damiin lagu sii daayay.

Gaashaanle sare Warfaa Sheikh Aadan FarooleTaliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee ciidamada dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed  oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa u sheegay in qorshaha howlgalka ay sameeyeen uu aha mid lagu sugayo amniga magaalada Garbahaareey laguna ciribtirayo Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigayay.

You might also like More from author