Ciidamada dowladda oo gaaray degaan ay isaga baxeen Ciidanka Ahlusunna

Maalmo ka hor Ciidamo taabacsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa la wareegay degaanka Ceeldheere oo 28km dhanka Koonfureed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug una dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb, hayeeshee ay xalay isaga baxeen.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa xalay xili danbe gaaray deegaanka Ceel-dheere, iyaga oo fariisimo ka sameystay duleedka iyo Gudaha degaanka, sidoo kalena ay sameeyeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

You might also like More from author