CIIDAMADA DANAB OO GAARI QARAX WADAY KU GUBAY GOBOLKA SH/HOOSE

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa maanta Howlgal Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Degmada Tooratoorow ee Gobolka Shabelada Hoose waxaa ay ku fashiliyeen gaari qarax ah oo noociisu yahay Saaruf.

Ciidanka Danab oo sii Hayey Xogta Gaariga qarax ah inuu ku diyaarsan halkaas ayaa qarxiyay gaarigaas waxaana ku dhintay 1 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ah, kaasi oo la sheegay inuu wadey gaarigaas.

Al-shabaab ayaa doonayey in ay Gaariga Qaraxa ay u adeegsadaan weerarada ay ku qaadaan saldhigayada ciidanka xoogga ay ku leeyihiin gobolka shabeellada Hoose.

BY : MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author