Ciidamada Badda Giriiga Oo Si Xun ula Dhaqmay Muwaadin Soomaaliyeed

Ciidamada Badda Dalka Turkiga ayaa bad baadiyey Muhaajiriin doonayey inay tahriib ku galaan Xeebaha Giriiga.

Dadkaan oo doon la socday ayaa waxa qabtay Ilaalada Xeebaha Waddanka Giriiga,iyagoo matoorkii ay Doonta ku kaxeenayey Shidaalka ka daadiyey kadibna badda ku tuuray.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Seddex Qof oo Gacmaha Xarig looga xiray badda lagu tuuray hayeeshee la bad baadiyey kadib maraakiibta Turkiga oo ay codsi usoo dirsadeen.

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku jira dadka la bad baadiyey iyo Labo Nin oo udhashay Dalka Siriliyoon.

Dhowr jeer oo hore ayey Ciidamada Badda Turkiga sidaan oo kale u bad baadiyeen Tahriibayaal xaalad halis ah ku galay Badda Udhaxeysa Dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Waayihii dambe Turkiga ayaa noqday Marin Yurub laga galo inkastoo Muhaajiriin badan ay dhibaato kala kulmeen Socdaalkooda Giriiga,qaarkoodna Nolol adag ay kusoo food saartay Halkaasi.

You might also like More from author