Ciidamada Amaanka Dalka Turkiga oo xiray wiil uu adeer uyahay…

Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa xiray wiil uu adeer u yahay wadaadka Fetullah Gulen kaas oo dib loogu soo celiyey dalka Turkiga sida ay shaacisay warbaahinta gudaha.

Selahaddin Gulen ayaa lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay urur la mamnuucay oo uu madax u yahay adeerkiis. Shaacinta laguma sheegin halka lagu xiray.

Laakiin xaaskiisa Serriye, oo macallin ka ah dalka Kenya, ayaa muuqaal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay in seygeeda lagu waayey magaalada Nairobi horraantii bishii May.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga ayaa daabacday sawirka Mr Gulen oo katiinadaysan, calanka Turkigana dhinacyada ka yaallo.

You might also like More from author