Canada oo aqbashay codsi uga yimid QM laguna joojinayay dib u celinta Muwaaddin Somali ah

Dowladda Canada ayaa oggolaatay in aysan dib u celin Muwaaddin Soomaali ah oo isaga oo da’ yar galay dalka Canada hayeeshee aan waligii helin deganaansho rasmi ah.

Cabdullahi Cilmi oo 34 jir ah ayey dowladda Canada qorsheysay in Isniinta soo socota dib loogu celiyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

Hayeeshee codsi shalay oo Jimco ahayd ay Qaramada Midoobey u gudbisay Dowladda Canada ayaa waxaa ay uga codsatay in aan dib loo celin muwaaddinkaas.

Dowladda Canada ayaa Cabdullahi Cilmi ku eedeeysay in uu dambiyo ay ka midyihiin weerar ka geystay gudaha dalka Canada.

Qareenka u doodayay Cabdullahi oo lagu magacaabo Idowu Ohioze, ayaa waxaa uu helay E-mail sheegaya in la joojiyay dib u celinta Cabdullahi Dowladda Canada aqbashay,kaas oo warbaahinta gudaha dalka Canada la wadaagay warka cusub.

Qareenka ayaa intaas ku daray in arrintan ay tahay guul horudhac ah laakiina aysan ahayn shaqo dhamaatay,waxaana uu xusay in go’aankan uu KMG yahay islamarkaana howsho ay wali sii soconeyso.

You might also like More from author