Cali Mahdi oo Muqdisho Aas Qaran Loogu Sameeyay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galleen madaxda dalka madax hore iyo siyaasin xilal kala duwan soo qabtay.

Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa lagu aasay masjid ku yaal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaasi oo uu hore ugu dardaarmay in halkaasi lagu lagu duugo.

Madax uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo ehelada Marxuumka ayaa ka qeyb gallay aaska qaran ee loo sameeyay Madaxweyne Cali Mahdi.

Ka hor aaska marxuumka waxaa sallaada janaasada garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde kula tukaday madax kala duwan oo ugu horreeyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo da’diisu tahay 83 sano jir.

You might also like More from author