Cali Guudlaawe oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulkaas, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed.

Guddoomiyihii hore ee guddiga Axmed Xuseen Diini ayaa lagu eedeeyay in xagal daacin iyo hufnaan la,aan shaqo.

Sidoo kale wareegatada Madaxweynaha ayaa lagu xusay in Guddoomiyaha Guddiga uu ka leexday habsami socodka iyo habraacyadada doorashada 2020-2022.

Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay in Murashax gaar ah u qoray guddiga soo xulaya ergada doorashada, kaasoo ay wadatay Villa Somalia.

Sidoo kale waxa la sheegay in uu is hor istaag dhowr jeer ku sameeyay doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

You might also like More from author