Cali Guudlaawe oo dib uga laabtay Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Masuuliyiin xildhibaano ka tarisan maamulka Hir-shabelle iyo qeeybaha kale ee Bulshada ayaa si diiran usoo dhaweeyay Madaxweyne guudlaawe Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho u joogay maalmihii danbo ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayay dhameystirka iyo dardargalinta arrimaha  doorashooyinka oo guul kusoo dhamaaday.

Cali guudlaawe ayaa sidoo intii uu joogsy muqdisho kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka.

You might also like More from author