CADEYN: R/wasaare Kheyre oo lacag ku bixiyay in la Burburiyo Kiiskii loogu eedeeyay Al shabaabnimada

Warbaahinta Xamarpost ayaa heshay cadeyn ku saabsan in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu lacag badan ku bixiyay sidii loo beenin lahaa Kiiskii eedeynta ahaa ee lagu sheegay inuu la shaqeeyo Al shabaab.

Kooxda Monitoring Group ee Qaramada Midoobey u qaabilsan cunaqabateynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sanad ka hor ku eedeysay Kheyre inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab, inkastoo markii dambe lagu waayay cadeymo muujinaya eedeyntaas, laakiin waxaa socda qorshe gabi ahaanba arintaasi lagu beeninayo.

Xasan Cali Kheyre ayaa Qaramada Mdioobay ka codsaday inay Warsaxaafadeed ka soo saaraan arintaan iyagoona beeninaya, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha rajo weyn ka qabaa inuu hirgalo qorshahaasi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sweden Cawaale Kulane ayaa qeyb ka ah Wafdiga Kheyre la socda ee arintan Qaramada Midoobay u gudbiyay, wuxuuna sheegayn in Ra’iisul wasaaraha uusan kiiskaasi shaqo ku laheyn sidaas awgeed la doonayo in Qaramada Midoobay ay war cad ka soo saarto oo arintaasi lagu beeninayo.

You might also like More from author