CADEYN DOCUMENT: Farmaajo oo ka seexan la’ Qalbi dhagax & Lacago lagu daminayo Kacdoonka shacabka

Warbaahinta Xamarpost.com ayaa heshay Ducoment cadeynaya in dowlada Soomaaliya ay lacag aad u badan u qorsheysay Dadka caan ka ah Baraha Bulshada si dowlada loo amaano, loona daminyo Kacdoonka ka dhan Farmaajo ee ku aadan arinta Qalbi dhagax.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Axmed Maxamed ayaa si qarsoodi ah looga helay warqad sir ah uu u diray Cabdi Raxmaan Ceynte, waxaana ku cad lacagaha ay dowlada balanqaadeyso iyo qorshaha lagu daminayo Kacdoonka Qalbi dhagax.

 

Warqad waxaa ku cad in Madaxweyne Farmaajo uu ka seexan la’yahay arinta Qalbi dhagax oo walwal ku heysa isla markaana ay u muuqato in kalsoonidii ay ku qabeen shacabka ay lumisay.

Wariyeyaal caan ah ayaa loo balanqaaday in la siinayo 5000 oo dollar oo 2000 ay hormaris tahay halka dad Facebookyada saameynta ku leh ee aan Saxaafada ku jirin la siinayo 1000 iyadoo loo hormarinayo 200 oo Dollar.

HALKAAN HOOSE KA AKHIROS WARQADA

You might also like More from author