Cabsi soo kala dhex gashay Al-shabaab iyo Ajaanibta la joogta

Warbaahinta Kenya ayaa daabacday in Cabsi Badan ay soo wajahday Dagaalamyaasha Shisheeye ee la safan Al-shabab kadib markii Sadax Muwaadin oo Kenya ay Al-shabaab Qoorta ka Gooyeen kuwaas oo lagu eedeeyay Basaasnimo.

The stander media oo soo xiganaya Sirdoonka Kenya ayaa Qoray in 10 kii Bishaan ay Al-shabaab Magaaladda Jilib ku Gowraceen Muwaadiniinta Kenyan ka ah, Wargeeysku waxaa uu sheegay in Sababta Ragaan loo dilay ay kamid tahay Qilaaf iyo Walaac ka dhexjira Al-shabaab iyo Ajaanibta ka Tirsan.

Xogta laga sooxiganaya Sirdoonka Kenya ayaa sheegeeysa in Hugaanka Al-shabaab uu amray in dilo Ragga Kenyan ka ah oo Magacooda lagu kala sheegay Abdullah Talal Musa, Jared Mukayo Omambia iyo Hashim Othman Selali.

Dhawaan aye ahayd Markii Al-shabaab ay soo bandhigeen Muqaal Muujinaya Muwaadiniin u dhashay Kenya oo ay ku eedeyeen in ay jaajuusaayeen Madaxda Al-shabaab islamarkaan ay Xogtooda u Gudbinayeen Sirdoon Shisheeye.

You might also like More from author