Cabdi Xaashi & Siyaasiyiinta Gobollada wuqooyi oo taageeri doonin shirka Afisiyooni

Shirka udhaxeeyey dawlada dhexe,Dawlad Gobolleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa maanta lagu soo gaba gabeenayaa Magaalada Muqdisho,iyadoo dhinacyadu hormar badan ka sameeyeen qodobadii la falanqeenayey.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in dood badan kadib heshiis maanta lagu kala saxiixanayo Afisiyooni,taas oo lagu soo gaba gabeenayo afar maalin oo la is hor fadhiyey kadib.

Ma cada sida loogu wada qanci doono qodobada war murtiyeedka kusoo bixi doona,hayeeshee yadadiilada la qabo waa in heshiiska doorashada la isla afgartay.

Madaxda Dawlad gobolleedyada ayaa tanaasul ka galay qodobo markii hore caqabad geliyey in la isku fahmi waayo.

Dhinaca kale waxaa siyaasiyiinta uu hogaaminayo gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa saluugay la tashi aan lagala sameyn war murtiyeedka soo bixi doona.

Qoraal kasoo baxay garabka siyaasiyiinta Wuqooyi ee Cabdi Xaashi horkacayo ayaa sidaan ku yiri:

191736611 1114588345684641 6847231115376508991 N

You might also like More from author