Cabdi Xaashi oo magacaabay guddigii doorashada laga sugayey

Muddo uu ka careysnaa han siyaasadeedka Madaxweyne Farmaajo iyo sida Doorashada loo gacan bidixeenayey ayuu ugu dambeyn maanta Cabdi Xaashi soo magacaabay guddigii laga sugayey.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lixdii Xubnood laga sugayey soo bandhigay magacyadooda.

Dhamaan Xubnaha uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa ah Rag waxaase uu sheegay in lagu soo xushay khibradooda howshaan.

Hakadka ay Doorashada ku jirtay muddo sideed bil ku dhaw waxaa qeyb ka ahaa arinta Guddiga Doorashada Soomaaliland xubnaha ka imaanayo ah balse Heshiiskii Khamiistii lagu saxiixay Muqdisho ayaa soo afjaray arimahaasi.

You might also like More from author