C/raxmaan C/shakuur “Hadii la sixi lahaa 2 Qodob oo ka mid ah Dastuurka Farmaajo Dalka Madaxweyne Kama ahaadeen”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo aad u dhaliilada Madaxa dowladda Soomaaliya ayaa marka hore waxa uu soo dhaweeyey booqasahdii Axmed Madoobe e Xabsiga uu ku jiro Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax.

“Waan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jubbaland Sheikh Axmad Madoobe booqashada uu ugu tegey iyo dadaalka uu ugu jiro sii daynta Qalbidhagax.

Siyaasiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hadii lagu dhaqmi lahaa qodobo ka mid ah Dastuurka dalka in Madaxweynaha Soomaaliya uusan dalkaan Madaxweyne ka ahaan laheyn.

“Hadii dastuurka la dhowrayo iyo sharciyada dalka u yaala gaar ahaan qodabka 36aad ee Dastuurka iyo qodobka 11aad ee xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed, Farmaajo maanta dalka Madaxweyne kama ahaadeen.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ahatan ku sugan Magalada London ee dalka Ingiriiska,waxaana dhawaan dowladda Kenya ay joojisay kulan uu ku qaban lahaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

You might also like More from author