Buuq & Xiisad ka Taagan Xarunta Aqalka sare & Arinta Qalbi Dhagax oo la isku heysto

Wararka inaga soo gaaraya xarunta Aqalka Sare ee dalka,ayaa waxa ay sheegayaan in buuq uu ka taagan yahay, halkaasi iyadoo xubnaha Golaha Aqalka Sare ay ku kala qaybsan yihiin kiiska la xiriira Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada Qaar ayaa dhankooda ku adkeysanaya in Ajandaha Shirka aanan laga saarin arinta Qalbi Dhagax, maadaama shalay uu shaaciyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdullaahi.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa hadda waxaa u socda Shir gaar ah sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku sugan xarunta Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare qaarkood ayaa soo jeediyay inaan Ajendaha lagu soo darin arinta Qalbi Dhagax.

You might also like More from author