Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalka ka socda xerada Xalane ee Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in laba qof oo hubeysan oo la aamisan yahay inay ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay gudaha u galaan qeyb ka mid ah xero u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan dhinaca xerada Mariino Gate.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hor tageen weerarka, balse Afhayeenka ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka socda.

“Laba shaqsi oo hubeysan ayaan isku dayey inay gudaha u galaan qeyb ka mid ah xero ku dhaw Airpor.ka dhinaca xerada mariino waxana hor istaagey Ciidan amaanka xaruntaas”ayyu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliya

Goobta la weeraray ayaa u dhow teendhada la qorsheynayo inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, Goobta la weeraray ayaa u dhow teendhada la qorsheynayo inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu hakad ku yimid isku socodka dadka iyo duulimaadyadii caalamiga ahaa.

Sidoo kale, qeybaha ugu muhiimsan ee xerada Xalane ayaa hadda ah kuwo la xiray, waxaana socda dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kooxdii weerarka soo qaadday.

You might also like More from author