Beesha Habar‐Gidir oo go’aan cad ka gaartay weerarkii ka dhacay Bariire

Iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay weerarkii lagu laayay beeraaleyda ka tirsanaa dadka deegaanka Bariire, ayaa waxaa dhacdadaasi mar kale si wada jira uga hadlay Xildhibaanada laba aqal ee kasoo jeeda Beesha Habar­Gidir.

Xildhibaanada oo isku duuban ayaa ku biiray shirar Odayaasha Beesha Habar­Gidir uga socday magaalada Muqdisho, kaa oo salka ku hayay weerarkii lagu dilay beeraaleyda.

Xildhibaanada oo ay wehliyaan Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed ayaa si cad u sheegay in xasuuqaasi ay kula xisaabtami doonaan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Xildhibaanada ayaa codkooda ku biiriyay Odayaasha waxa ayna dhankooda kasoo jeediyeen inaan la aasin Meydadka ilaa iyo inta laga cadeynaayo xaqiiqda xasuuqa shacabkaasi.

 

Xildhibaanada diiday in la aaso meydadka ayaa waxaa kamid ahaa Cabdi Xasan Cawaale

”Qaybdiid”, oo sheegay in mowqifka Beesha Habar­Gidir uu yahay mid mideysan, isla markaana aan la aasi doonin meydadka inta laga helo xal ka duwan kan iminka la hayo.

Qaybdiid, ayaa sheegay inay taageerayan go’aankii Odayaasha Dhaqanka, ee ahaa inaanan la aasi doonin meydadka, iyagoo suggaaya jawaabta dowladda.

Xildhibaanada shirka ku sugnaa ee qeyla dhaanta ka keenay xasuuqa ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed ”Bukhaari”, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Ugaas Yuusuf Geelle iyo Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi.

Xildhibaanada ayaa qoysaska marxuumiinta ugu baaqay inay is dajiyaan, isla markaana ay heli doonaan jawaabo cadcad oo ku aadan sababta xasuuqa iyo halka loo raacayo xasuuqa.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa wada baaritaano lagu xaqiijinaayo dhacdadaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in loo xilsaaray Guddi.

You might also like More from author