Beesha Caalamka oo war ka soo saartay arrimaha Doorashooyinka

War-saxaafadeed ay soo saareen xubnaha Beesha caalamka ayaa waxaa ay ku bogaadiyeen in la doortay 91 boqolkiiba xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, taasi oo ay ku qeexeen “dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.”

Saaxiibada beesha caalamka ayaa maamullada HirShabelle iyo Jubaland ugu baaqay inay dhameystiraan geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka, “iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.”

Waxay ku bogaadiyeen dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT).

“Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Saaxiibada beesha caalamka ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu ku qotomo wadar-oggol ballaaran.

“Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aannada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada,” ayey yiraahdeen.

You might also like More from author