Beesha Caalamka Oo Galabta shir la yeelatay Ra’iisal Wasaare Rooble
Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka.
Saaxiibada Caalamka Ee loo yaqaano C6+ ayaa xubnaha ka socday waxay kala hadleen Xukuumada Xilgaarsiinta dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka.
Beesha Caalamka ayaa ku celisey in loo baahan yahay si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo in lagu dhaqmo.
Ra’iisal Wasaare Rooble uu shirka ku wehlinayey kuxigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada ayaa sheegay in ay Dawladu diyaar u tahay wax walbo oo xal lagu gaari karo doorashada.
Beesha Caalamka ayaa shirkeeda kusoo beegmayaa wal wal ay ka qabto Maalinta Berri Shirka dhacaya,oo laga yaabo in Muddo kordhin dhacdo.
Shalay ayaa Swan,Kate Foster,Madiera,Yamamoto iyo Safiiro kale Caalamka ay la Shireen shanta Madaxweyne Maamul gobolleed,hayeeshee is faham lama gaarin.
Kulanka maanta waxaa kusoo biiray Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya Mehmet Yilmiz iyadoo uu ka maqnaa Donald Yamamoto,maadaama Mareykanka aysan ogoleyn in Safiirkooda meel ka baxsan Xalane uu shir uga qeyb galo.