Beesha Caalamka oo Dowlada Somalia ka Codsatay dedejinta dhismaha Ciidanka Somaliya

Waddamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka taageera dhinaca amaanka ayaa dowladda Federaalka ah ka dalbaday in ay dedejiso dhismaha Ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliyeed.

Shirkii looga hadlayay amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels,ayaa lagu sheegay in looga hadlay lafaguridda heerka horumarka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya waxaana lagu sheegay in horumar aad u hooseeya la gaaray islamarkaana uusan gaarin heerka loo baahanyahay.

Ujeeda diyaarinta Ciidanka Soomaaliya ayaa ah in ay ka adkaadaan Al-shabaab amniga dalkana kala wareegaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Warbixin laga soo saraay shirka ayaa lagu tilmaamay Ciidanka Soomaaliya mid liita Talis iyo maamul ahaamba,iyada oo howlgalka Midowga Afrika uu isu diyaarinayo in uu ka baxo Soomaaliya.

AMISOM waxaa ay billowday in ay tartiib tartiib dalka uga baxdo dhamaadkii 2017kii,waxaa ay sameysay dagaalka ugu badan ee lala galay Al-shabaab,kuwaa soo laftooda weerarro ka geystay Muqdisho iyo meelo kale iyada oo AMISOM aysan taageero wanaagsan ka helin Ciidanka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo baxay in dowladda Soomaaliya ay sameyso tirakoob iyo diiwaangelinta Ciidanka,in mushaarka Ciidanka lagu bixiyo qaabka Akoonka Bangiyada si looga hortago musuq maasuqa.

You might also like More from author