Beesha Caalamka maxay ka tiri shirka ka Dhacaya Afisyooni.

 

Beesha Caalamka oo soo dhowaysay shirka lagu ballamay ee Muqdisho gaar ahaanna Afisyooni:

“Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray.

Waxaan ka codsanaynaa madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba”

Waxaana sida muuqata shirka uu noqonayaa mid qabsooma marka la fiiriyo dadaalada beesha caalamka iyo madaxtooyada.jjj

You might also like More from author