BANAANBAXII MUCAARADKA EE MUQDISHU KA DHICI LAHAA OO BAAQDAY.

Maanta waxaa caadi u shaqeenaya dhamaan wadooyinka magaalada Muqdishu xili uu baaqday Mudaharaadkii la filayey in Sabdiga maanta uu ka qabsoomo Magaalada Muqdishu.

Jidadka waaweyn ee Magaalada Muqdishu ayaa  caadi ah saaka inkastoo  wadooyinka Qaar ay joogaan Ciidamada Dowladda oo aad u feejigan.

Xubnaha Mucaaradka ayaa sabdiga maanta ku baaqay in uu ka dhaco Magaalada Muqdishu Debadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ku baaqay Shir in la iskugu yimaado Magaalada Muqdishu.

Shirka ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku casuumay Xubnaha dowlad Goboleyd-yada ee ka midka ah Dowladda Soomaaliya.

Lama oga in shirkaasi ay soowada xaadiri doonaan xubnaha dowlad Goboleyd-yada dhaamaantood.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horay waxaa ay u qaadaceyn Shirar horre oo uu Madaxweyne Farmaajo Cilaanshay.

waxaan la ogeyn  ilaa iyo haatan sababta keyntay dub udhaca Banaabaxa ay ku Baaqeyn Xubnaha Mucaaradka Sabtida maanta ah.

BY: MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author