Baarlamaanka Soomaaliya oo Diyaarinaya Mooshin ka dhan Imaaraadka

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay wadaan Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay fara gelin cad ku heyso arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in uu socdo qorshahaasi ku aadan diyaarinta Mooshinkaasi oo ay wadaan xildhibaanada qaar.

C/laahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay inuu aad uga war haayo dhaqdhaqaaqa la xiriira Mooshinkaan laga diyaarinaayo Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay abaabulkeeda wadaan Xildhibaanada.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyya inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha la xiriira Saaxadda Siyaasadda Soomaaliya, kadib go’aankii dhexdhexaadnimada Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka ka taagan.

Qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa dhawaan safar ku tagay Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, iyaga oo la soo kulmay madax ka tirsan Imaaraadka, si ay taageero ugu fidiyaan go’aankii Xulufada Sacuudiga ay ku xanibeen Dowladda Qatar.

You might also like More from author