Baarlamaanka PL Oo ka hor yimid Muddo kordhintii Golaha Shacabka kusameeyeen

52 Xildhibaan ayaa fadhiyey kulanka Wakiilada Puntland ayaa waxa maanta kulan albaabada uxiran la yeesheen Madaxweynaha Maamulkaasi iyo Kuxigeenkiisa,iyagoo ka hadlay Fashilka Shirkii Afisiyooni,Muddo kordhintii Hay’adaha Fedeaalka loo sameeyey iyo Xaalada guud ee Dalka.

Madaxweyne Deni ayaa kulanka ka hor codsaday in Saxaafada banaanka loo saaro si aanay ula socon waxa ay kuwada faqayeen isaga iyo Madaxda Shirka kusugneyd.

Kulankaasi marka uu soo dhamaaday ayaa waxa cod la geliyey in la taageero ama la diido muddo kordhintii Golaha Shacabku sameeyeen dhawaan.

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ah Afhayeenka Baarlamaanka Puntland ayaa natiijada shaaciyey.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Deprani ayaa sheegay in ay dhawan jiri doonto go’aan ay ka qaadan doonaan arinta ku saabsan muddo kordhinta Farmaajo sameystay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author