Baarlamaanka oo bilaabay ka doodida Kiiska Qalbi Dhagax

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa bilaabay ka doodida Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ku furmay Jawi degan, waxaana soo xaadiray 157 Xildhibaan, waxaana Shir Gudoominaaya Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan kaste oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la siiyay waqti uu kaga hadlo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Mudanaayaasha Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in ay maanta soo Afjaraan Kiiska Qalbi dhagax Ama ay guddi u saaraan.

You might also like More from author