Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka digay in ay dib u dhacdo Doorashada

Magaalada Jowhar ayaa martigelineysa Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo loo qorsheeyay in ay dhaceyso 12-ka bishan, waxaana hada Jowhar ay soo dhaweynaysaa wufuud kala duwan oo meelo badan ka kala socda.

Xildhibaan Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle in ay ku dhaceyso waqtigii loogu tala galay oo aysan jirin in lagu darayo waqti kale.

“Xildhibaanada Hirshabeelle waxay u diyaar garoobeen Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, mana aqbaleyno in Doorashada waqtigii loogu tala galay ay dhaafto, aynsana jiri doonin in waqti dheeri ah lagu daro”. Ayuu yiri Xildhibaan Bashiir.

Dhanka kale Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle C/wali Sheekh Cali oo dhankiisa Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socoto diiwaangelinta musharxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle, taasina ay muuineyso hab maamuuska iyo qaban qaabada doorashada.

Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle in ilaa hada ay isa soo diiwaangeliyeen Saddex Musharax, kuwaasi oo soo dhameystitay shuruudihii laga rabay.

You might also like More from author