Baangad lagu dilay Xalay Gudoomiyihii degmada Xamar jajab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabka loo fuliyey Dilka loo geystay gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Allaha unaxariistee Dr Maxamed Cabdi Xeyle.

Marxuumka ayaa xalay abaare 12:00 Habeenimo saqdii dhexe isagoo sii galaya Gurigiisa oo ku yaalla Deegaanka Sarkuusta Duleedka Muqdisho waxa dilay Rag hubeysan.

Warar hoose ayaa sheegaya in Dilka Gudoomiyaha loo adeegsaday Baangad,inkastoo Afhayeenka Booliska Korneel Sidiiq Aadan Cali (Doodisho) uu sheegay in Rag bistoolado wato ay dilka geysteen.

Dr Maxamed Cabdi Xeyle ayaa Mooto Nuuca Laba lugaaleyda ah ka degay mana wadan ilaalo ama istaaf sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoon yahay,Ciidamada Amaanka ayaa gaaray dilka kadib goobta oo meydka kasoo qaaday.

Ciidamada Dawlada ayaa baaritaano wada saaka kuwaas oo baadi goobaya gacan ku dhiiglayaashii dilay Gudoomiyihii Xamar jajab oo xalay saqdii dhexe la dilay.

You might also like More from author