Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo

Madaxwaynaha Dawlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu maalmahii tagay ku joogay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Madaxwaynaha ayaa Muqdisho kaga qayb galay shirkii madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka doorashada soo socota.
Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawlada iyo dadwayne kala duwan ayaa Madaxwaynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

You might also like More from author