Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Xildhibaannada cusub

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam  ayaa waxaa uu kulan la qaatay XIldhibaannada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland.

Kulan Casho sharaf ahaa oo uu Xildhibaannada u sameeyay ayaa waxaa uu Xildhibaannada ku weydiistay in ay codkooda siiyaan doorashada Madaxtinimada Maamulkaas ee maalinta barri ah dhaceysa.

Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland ayaa intooda badan u ballanqaaday in ay codkooda siin doonaan.

Kulanka xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo waxaa ka qeybgalay ubnaha Guddiga doorashada ee Baarlamaanka Jubaland, Guddoonka Baarlamaanka iyo martida kale ee lagu casuumay.

Axmed ayaa ka dhega fureystay baaq ay beesha Caalamka u soo jeedisay waxaa uu sidoo kale go’doon cir, dhul iyo bad ah geliyay Magaalada Kismaayo.

Guddiga doorashada Jubaland iyo Guddiga amniga ayaa sheegay in 23ka Bishan oo ku beegan jimcaha soo socda la qaadayo xayiraadda dhinaca socdaalka ah ee saaran Magaalada Kismaayo.

You might also like More from author