Axmed Madoobe Oo Ka tacsiyadeeyey Geerida Nabadoon Cali Xuseen

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu qoyska, qaraabada, Shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cali Xuseen Nuur, oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Nabaddoonku uu ahaa shaqsi Cibaado badan oo mudo kasoo shaqaynayay Nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummada.

You might also like More from author