Axmed Madoobe oo ka hadlay geerida Prof, Maxamed Cabdi Gaandi

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa waxa uu ka hadlay geerida allaha unaxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Gaandi.

Tacsi:

Innaa Lillaahi Waa innaa Ilaahi raajicuun.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiraanyo leh u diraaya ehelkii, Qaraabadii, Iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Professor Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi) oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska.

Professor Gaandi, wuxuu katirsanaa golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

You might also like More from author