Axmed Madoobe Oo Garbihiisii Ugu muhiimsanaa xilka ka qaaday

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Taliyeyaasha Laamaha Amniga Maamulkaasi.

Waxa xilka laga qaaday Agaasimihii NISA Khaalid Sheekh C/llaahi iyo Maxamed Naasir Guuleed oo ahaa Taliyihii Booliska Jubbaland.

Si isbadel loogu sameeyo Laamaha amniga hogaankooda,ayna lagama maar maan noqotay waxa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam latashi uu la sameeyey kuxigeenadiisa isagoo kadib soo saaray digreetadaan magacaabista ah:

Taliyaha cusub ee Nabad Sugida Jubbaland ayaa loo magacabaay Maxamed Axmed Sabriye oo hore uga tirsanaa saraakiisha Madaxtooyada Kismaayo.

Taliyaha cusub ee Booliska Jubbaland ayaa loo magacaabay sareeye Gaas Maxamed Cabdi Sheekh

Taliye kuxigeenka Booliska Jubbaland ayaa loo magacaabay Sareeye Gaas Maxamed Guuleed Xasan

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa kula dar daarmay saraakiisha la magacaabay inay deg deg ugutaan howsha loo igmaday xilli ay muddooyinkii dambe kismaayo ka dhacayeen Falal amniga lid ku ah.

175333685 2648906248735154 696815033925219138 N

You might also like More from author